Dublin (KAAB TV) – Diblomaasi Soomaaliyeed ayaa lagu soo eedeeyay tahriibinta haween Soomaaliyeed oo si sharciga baalmarsan lagu galiyay dalka Ireland, taasoo dhalisay walaac xooggan.
Sidoo kale, Wargeyska The Times ayaa qoray in mas’uulkan markiisi hore ka howlgali jiray Sacuudiga, kaas oo lagu eedeeyay inuu haween badan si sharci-darro ah ku geliyay Ireland intii u dhaxeysay September iyo November, kahor inta aan la xirrin.
Dhanka kale, diblomaasigan oo aan magaciisa weli soo shaac bixin ayaa waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Dublin bishii November ee sanadkii tagay ee 2024, xilli uu ka yimid Abu Dhabi.
Sikastaba, xarigiisa ayaa si weyn u soo jiitay dareenka laamaha ammaanka, iyada oo sare loo qaaday baaritaanada ku saabsan sida tahriibayaashu uga faa’iideysanayaan marinada rasmiga ah ee xuduudaha, wuxuuna weli ku xiran yahay xabsiga Cloverhill.