Diiwaangalinta qafaalka ahayd ee Muqdisho ka socotoy oo waji kale yeelatay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Fadeexad ayaa ka taagan diiwaangalinta qafaalka ahayd ee Muqdisho ka socotoy iyadoo hadda ay sii adkaaneyso xorriyadda dadka ay u leeyihiin inay waddooyinka si nabad ah ku maraan.

Mid ka mid ah shacabka kunool magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuusan garan karin wax uu ku tilmaami karo xaaladda hadda socota.

“Sidaan ninyow waxa magaalada ka jira qafaal wa dhaafey ilaa hada waxa aan ka fikirayaa magaca aan u bixin lahaa shalay waxaa aan goob jooga ahaa niman xamaali ah gaari kunteenar Bakaaro dejinaayo in loo yimid aya waxaa lagu amrey in ay diwaangaliyaan mid ka mid ah xamaaligi ayaa ku dooday in uu mar hore is diwaan galiyey,” ayuu yiri ninka goobjoogaha ah oo magaciisa ka gaabsaday.

“Afar nin inta ay isku tageen ayaa la garaacay illaa isbitaal loo qaado waxa dadka dhibkas ku haayo wa nabadsugida dharcadka ah ee magaalada Muqdisho,: ayuu sii raaciyay.

Muuqaal muujinaya dhallinyaro la soo qafaalay oo xoog lagu diiwaan gelinayo xilli habeen ah iyada oo ulo geesahaha lagala taagan yahay.

Goobta lagu diiwaan gelinayo maahan xarumihii diiwaan-gelinta ee waa goobo qarsoon, jiingado ah oo la geeyo dadka habeenkii la soo qafaalo.

Gabbood fallaadaan waxaa geysanaya oo Xasan u fulinaya labo muwaadin oo dhalasha mareeykanka heysata sida dadka magaalada Muqdisho u sheegeen warbaahinta.

Muwaadinkaan suulkiisa iyo saxiixiisa ayaa laga qaatay laakiin waxa foomkiisaan lagu buuxin doono iyo qofka looga codeeyn doono isagu ma oga sidoo kale saacaddii la rabo ayaa hadana mar kale la soo qafaali karaa oo foom kale laga buuxsan karaa.

Dadka magaalada Muqdisho kunool qaarkood ayan ila iyo hada ku wareersan sida ay wax u socdaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News