SO | EN

SO | EN

Dil argagax leh oo kadhacay degmada Deynilee iyo wararkii ugu dambeeyay ee dilkaas ku saabsan

|

Muqdisho (KAAB TV) – Nin hubeysan oo xirnaa dareeska ciidanka dowladda ayaa duhurnimadii maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ku dilay labo nin oo shacab ah, kaddib markii uu rasaas ku furay labada nin oo wada socday.

Sidoo kale, ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Nuur Sandheere (Cabdi Gedow) iyo Cabdullaahu Cusmaan Shidane , waxaana dilay askari isna magaciisa lagu sheegay Axmed Cusmaan Geelle.

Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay iyo mid kamid ah marxuumiinta ayaa la sheegay in khilaaf dhuleed uu ka dhaxeeyay, waxaana ninkan dilka geestay uu rasaas huwiyay labada marxuum oo mooto wada saarnaa.

Dhanka kale, ninka gacankudhiiglaha ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana socda howlgalo booliiska ay ku baadigoobayaan ninka dilka geestay oo la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Dilalka askarta hubeysan u geesanayaan dadka shacabka ah ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana maalmo kahor sidan oo kale askari hubeysan qof shacab ah ugu dilay Dayniile kaddibna baxsaday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News