SO | EN

SO | EN

Dilka carruurta iyo haweenka waqtiga dagaalka waa dembi dagaal

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Dilka rayidka, jirdilka, masaafurinta, addoonsiga oo dadka rayidka ah ee dhulalka colaadaha ka socdaan loo geysto waxay qeyb ka yihiin dembiyada dagaal ee ku qeexan shuruucda caalamiga ah.

Dilka carruur iyo haweenka oo caadi ahaan dhaqanka Soomaalida iyo xeerarka caalamiga u yaqaanaan bari-mageydo ayaa sidoo kale soo gali kara dembiyada dagaalka iyo dembiyada ka dhanka ah bani’aaddanimada ee dhaca xilliyada dagaaladu jiraan.

Kuma xirna in falalkan ay geystaan koox maleeshiyo, dowlad ama urur hubeysan. Waxaa dembiilayaasha loola dhaqmaa si isku mid ah.

Haddaba dilka in ka badan 30 rayid ah oo ay ku jiraan haween ee lagu dilay duqeyntii habeenkii Isniintii ee 18 March 2024 ka dhacay tuulada Baqdaad ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyo dhaawaca tiro ka badan 17 kale oo ay carruur u badan yihiin ayaa lagu tilmaami karaa dembi dagaal.

Carruurtii ku dhaawacantay duqeynta Turkey ee ka dhacday tuulada Baqdaad, Shabeellaha Hoose. March 18, 2024. | PHOTO Kaab TV.
Carruurtii ku dhaawacantay duqeynta Turkey ee ka dhacday tuulada Baqdaad, Shabeellaha Hoose. March 18, 2024. | PHOTO Kaab TV.
Children vistims of Turkey drone strike in Baqdaad village, Somalia March 18, 2024. | PHOTO Kaab TV.
Carruurtii ku dhaawacantay duqeynta Turkey ee ka dhacday tuulada Baqdaad, Shabeellaha Hoose. March 18, 2024. | PHOTO Kaab TV.
Carruurtii ku dhaawacantay duqeynta Turkey ee ka dhacday tuulada Baqdaad, Shabeellaha Hoose. March 18, 2024. | PHOTO Kaab TV.

Axdiga Geneva?

Marka weerar si ula kac ah loola beegsado dadka rayidka ah; ama si ula kac ah loo bartil maameedsado dhismayaasha rayidka sida guryaha, isbitaallada, goobaha cibaadada, waxbarashada, farshaxanka, sayniska ama ujeedooyinka samafalka, taallooyin taariikhi ah waxay dhammaantood noqon karaan falal dembi dagaal sida ku qeexan Axdiga Geneva.

Carruurtii ku dhaawacantay duqeynta Turkey ee ka dhacday tuulada Baqdaad, Shabeellaha Hoose. March 18, 2024. | PHOTO Kaab TV.

Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada (ICC) ayaa leh mas’uuliyadda koowaad ee baarista, maxkamadeynta iyo caddaalad ka sameynta dhacdooyinka dembiyada dagaalka.

Inkastoo Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn Axdiga lagu dhisay Maxkamadda ee loo yaqaano Rome Statue, haddana waxaa duqeymaha ka dhaca Soomaaliya geysta dowlado ajnabi ah oo qeyb ka ah Maxkamadda.

Kiiska ka dhacay tuulada Baqdaad oo ay hadda u badan tahay in Turkey oo taageerysay ciidamada Gorgor ee Soomaaliya ay fulisay ayaa lagula xisaabtami karaa Maxkamadda Caalamiga haddii ay Maxkamaddu aqbasho inay baarto oo ay qaaddo kiiskan.

Carruurtii ku dhaawacantay duqeynta Turkey ee ka dhacday tuulada Baqdaad, Shabeellaha Hoose. March 18, 2024. | PHOTO Kaab TV.
Carruurtii ku dhaawacantay duqeynta Turkey ee ka dhacday tuulada Baqdaad, Shabeellaha Hoose. March 18, 2024. | PHOTO Kaab TV.

Midda labaad, ICC waxay soo oogi kartaa dembiyada ka dhanka ah bini’aadminimada, kuwaas oo ay ku jiraan xadgudubyo halis ah oo qayb ka ah weerarada ballaaran ee ka dhanka ah rayidka.

Kuma xirna in kiisaska ay taageero ka helaan Soomaaliya, ee waxaa ku filan in dowlad qeyb ka ah Maxkamadda ICC ay soo jeediso in baaris lagu sameeyo dembiyada dagaal ee ka dhacaya Soomaaliya, amaba in Maxkamadda ICC ay iyada go’aansato inay si iskeed ah u baarto eedeymaha la xiriira dembiyada dagaalka ee ka dhacaya gudaha Soomaaliya.

Tusaale waxaa ku filan in dowladda Koonfur Afrika ay kiis eedeyn ah oo ka dhan Israa’iil horgeysay Maxkamadda ICC kaasoo la xiriira dadka rayidka ee lagu laayey Marinka Gaza taasoo Koonfur Afrika ay gaarsiisay heerka ‘xasuuq ka dhan ah dad gaar ah’.

Waxaa kaloo iyana suuragal ah in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay usoo jeediyaan ICC inay baarto eedeymaha dembiyada dagaalka iyo dembiyada ka dhan ah bani’aaddannimada ee ka dhacaya waddamada sida Soomaaliya, sidaasna Maxkamaddu ugu xilsaarto baarayaal kiisaska loo soo jeediyay.

Eedeymo hore

Waxaa jirtay in hore hay’adda Human Rights Watch (HRW) ay ugu eedeysay in tacaddiyada qaar ee ay geysato kooxda Al-Shabaab ay u dhigmi karaan dembiyo dagaal.

Warbixinteedii sannadlaha ee 2022 iyo sanadihii ka horreeyay, waxay HRW caddeysay i dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay ku kaceen xad-gudubyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, kuwaas oo qaarkood la gaarsiin karo heerka “dambiyo dagaal“.

Waxay hay’addu sheegtay “Kooxda hubaysan ee Al-Shabab ayaa fulisa weeraro aan loo meel dayin oo ay ku beegsato dadka rayidka ah iyagoo si qasab ah u askareeyay caruur. Dagaal beeleedyo dhimasho, dhaawac iyo barakac isugu jira oo dad rayid ah lagu dilay. Sidoo kale waxaa dhacay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay fulinayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamo kale oo ajnabi ah”.

Si kastaba, waxaa la joogaa waqtigii bulshada caalamka ee daneysa difaacidda xuquuqda aadanaha ay dib u eegis ku sameyn lahaayeen in dhacdooyinka xadgudubyada ee ka dhanka rayidka kuwooda nugul sida haweenka iyo carruurta ee u dhigmi kara dembiyo dagaal loo gudbiyo maxkamado heer caalami sida Maxkamadda ICC maadaama aysan suuragal ahayn in dhibbanayaashu ay caddaalad ku helaan gudaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News