Capetown (KAAB) Wararka laga helayo koonfyr Afrika ayaa sheegay in halkaas lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxameed kana mid ahaa Daraawalada Soomaaliyeed ee Uber-ka ku Shaqaysta, ayaa xalay abaare 3:30am lagu dhex dilay Xaafadda Soomaalida ee Bellville, Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika.
Kooxds dilka u geystay, ayaa durbadiiba gacanta lagu dhigay sida ay Saraakiisha Booliska xaqiijiyeen, iyagoo khaarijintiisa u adeegsaday Toorey/Mindi ay kaga dhufteen Surka iyo meelo badan oo jirkiisa kamida, islamarkaana ka qaatay Gaarigiisa.
“Report-ka Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed markuu nasoo gaarayba, Laamaha Amniga oo ku raadjoogay falkaas, ayaa wadada ku qabtay Gaariga oo ay ka shakiyeen, kadibna dhiigga ku yaalla Kuraasta, ayaa inoo fududeeyey inaan aqoonsano Gacan ku dhiiglayaasha Maxkamadaana lasoo taagi doonaa” ayey tiri mid kamida Saraakiisha Booliska ee goobta yimid.
Hogaanka Jaaliyadda iyo Dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa codsaday inaysan u kala harin oo ay tagaan Maxkamadda oo ay kiiska ku adkeeyaan Dhagarqabayaasha nolosha u qoonsaday Muwaadinka Soomaaliyeed.