MUQDISHO (KAAB TV) -Maalmahan waxaa magaalada muqdisho ka socota arrin si weyn u cabsi gelisay shacabka soomaaliyeed
Dadka ayaa si qasab ah looga soo aruurinayaa xaafadaha iyo suuqyada magaalada iyadoo aan loo fiirin xaaladooda shaqsiyadeed, caafimaad iyo xorriyadooda.
Waxaa xitaa la arkayaa in gaadiidka dadweynaha iyo kuwa yar-yar ee loo yaqaan “Bajajta” si qasbi ah looga dejinayo rakaabka, kadibna la geeynaayo xarumaha diiwaangelinta iyada oo aysan jirin wax wacyigelin ah ama is-afgarad bulsho.
Tallaabadan waxay noqonaysaa mid si cad uga hor imaaneysa xorriyadda dhaq-dhaqaaqa, xaqa muwaadinka u leeyahay in uu si xor ah go’aan uga gaaro arrimaha doorashada iyo diiwaangelinta.
Waxaa muhiim ah in la fahmo in diiwaangelintu tahay mid sharci ah oo lagama maarmaan u ah hannaanka doorasho, balse waa in ay ku dhacdaa si hufan, nabad ah, oo dadku ay si xor ah uga qayb qaataan.