SO | EN

SO | EN

Diyaar garowyadii ugu dambeeyay oo kasocdo Galgaduud

|

Dhuusomareeb (KAAB) – Magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ka socdo abaabulka howlgal la doonayo in Al-Shabaab looga saaro degmooyin iyo deegaanno ay ka joogaan gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ,kuwaa uu kala hadlay bilaabida howlgalada la doonayo in Al-Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Ciidamo badan oo isugu jira milatari iyo maleeshiyaad oo ka qeyb qaadanaya howlgalka ka bilaabanaya Galmudug ayaa la diyaariyay, ciidankan ayaa la sheegay kaliya in ay sugayaan amarka madaxweyne Xasan Sheekh si ay howlgalka u bilaabaan.

Sidoo kale, howlgalkan oo loogu magac daray Libaax madow ayaa qorshuhu yahay in Al- Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga, oo ay hadda maamulaan dagaalamayaasha Al Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa magaalada Dhuusomareeb u tagay hoggaaminta howlgalka la doonayo in Al-Shbaaab looga saaro deegaannada Galmudug, waxaana la sheegay in madaxweynaha halkaasi joogi doono inta howlgalka uu socdo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News