Calmiskaad (KAAB TV) – Duqeymo culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Miiraale ee Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari waxaana lasoo sheegayaa in lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Daacish.
Sidoo kale, taliska howlgalka ciribntirka argagaxisada ee Puntland ayaa sheegay in duqeyntaas lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish kuwaasoo isku dayayey inay dib isku uruuriyaan.
Weerarkan waxaa fuliyey xulafada Puntland, gaar ahaan diyaaradaha Drones-ka ee dowladda Imaaraadka Carabta oo gantaalo la beegsaday talis ay ku sugnaayeen xubnaha la dilay.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa warinaaya in 20 ka mid ahaa kooxda Daacish lagu dilay 24kii saac lasoo dhaafay Dhadaar & Miiraale xili ay ka firxanayeen degaanadaas, iyagoo u diga rogtay dhanka Ceelka Wangable oo ka tirsan degmada Qandala una jira masaafo dhan 25-Km.
Sikastaba, wijiga 2aad ee Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Calmiskaad ayaa ku sii siqaya dhammaad, iyadoo kan 3aad lagali doono oo sifeynta sida uu sheegay Taliska howlgalka ciribntirka argagaxisada ee Puntland.