Washintong (KAAB TV) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya labo diyaaradood oo kala ah ah mid rakaab iyo mid qumaatiga u kacda oo isku dhacay hawada magaalada Caasimadda Mareykanka ee Washintong DC.
Diyaaradaha ayaa kala ahaa American Express oo saarnaayeen 60 ruux iyo mid qumaatiga u kacda oo siday 3 kamid ah Ciidamada Mareykanka.
Hay’addaha gargaarka degdega iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada Mareykanka ayaa wada howlgallo ka wada webiga Potomac iyo goobo kale si loo helo dadka diyaaradaha saarna.
Wararkii u dambeeyay ayaa tilmaamaya in la helay meydka 18 ruux, welina waxaa socda baadi goobka.
Dowladda Mareykanka ayaa joojisay dhamaan duulimaadyada iyo soo degista garoonka weyn ee Ronald Reagan, waxaana la filayaa in saraakiisha gargaarka ay warbaahinta la hadlaan.