SO | EN

SO | EN

Diyaarado la sheegay inay leeyahay UAE oo duqaymo ka fuliyay Soomaaliya

|

Galcad (Kaab TV) – Diyaarado dagaal oo laga leeyahay Dalka  imaaraadka Carabta oo ah diyaarado hore dalka loogu arag ayaa duqeymo ka fuliyay Deegaanka Saban-sabley oo u dhaxeeya Deegaanka Cali Axmed iyo degaanka Bud-bud, degaanadaan duqeynta ay ka fuliyeen diyaaradahaaan laga leeyahay Imaaradka Carabta ayaa ku yaal xadka kala qaybiya shabeelada Dhexe iyo Galgaduud.

Diyaaradaha duqaymaha fuliyay oo ah kuwa aan wili lagu arag Soomaaliya ayaa maanta ilaa xalay dul heehaabaya Bud-bud, Galcad ilaa Cali Axmed, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in cabsi xooggan ay daareemayaan .

Talabadaan ayaa u muuqatata in diyaaradihii Mareykanka iyo Turkiga oo duqaymaha dhinaca Hawada ah ka Fulinayay Soomaaliya in ay bedeleen diyaaradahaa dagaalka Imaaradka Carabta Taas oo Weji Cusub u yeelsa Hawlgalada kaa dhan ka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Imaaraadka wuxuu markii hore Soomaaliya ka caawinayay dhinaca howlgallada milatariga, gaar ahaan tababarida ciidamada iyo qalab siintooda, balse hadda wuxuu billaabay duqeyn.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo sidoo kale duqeyn tan lamid ah ay ka dhacday aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegay dowladdu.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News