SO | EN

SO | EN

Donal Trump oo magacaabay sargaal ka shaqeyn doona howlgalka dadka mujaahiriinta ee Mareykanka

|

New York (KAAB TV) – Madaxweynaha la doortay ee dowladda Mareykanka Donald Trump, ayaa u magacaabay sargaal hore oo katirsanaa ciidanka booliiska in uu noqdo kormeeraha xuduudaha, si uu uga hortago qulqulka muhaajiriinta Mareykanka sharcidarrada kusoo gasha.

Sidoo kale, Tom Homan, oo 62 jir ah, ayaa ah sargaal khibard badan leh oo kasoo shaqeeyay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha  dowladda Mareykanka ,ayaa hadda loo xilsaaray kormeerka iyo ilaalinta xuduudaha Mareyakanka.

Dhanka kale, ninkan uu magacaabay Madaxweyne Donald Trump, ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona hirgalinta ballanqaadkii Madaxweynaha sameeyay ee ahaa ka hortaga iyo musaafurinta muhaajiriinta tirada badan ee ku sugan dalka Mareykanka.

Ugudambeyn, Tom Homan, ayaa wareysi uu horey u bixiyay intii uu socday ololihii doorashada Madaxweyne Trump ayuu sheegay in muhiim tahay in la sameeyo siyaasadda musaafurinta muhaajiriinta sharcidarrada ah, waxa uuna caddeeyay in Mareykanka dhibaatooyin badan ka dhaxlay socdaalka sharcidarrada ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News