SO | EN

SO | EN

Donald Trump oo sheegay in maamulkiisa uu lawareegaayo Gaza & Xamaas oo ka jawaabtay

|

New York (KAAB TV) – Madaxweynaha markale dib loo doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in isbeddelkii ugu weyn ee siyaasadda Mareykanka uu ku wajahnaa Bariga Dhexe muddo tobanaan sano ah, waxa uuna xusay in Maraykanku uu doonayo in uu la wareego Marinka Gaza.

Sidoo kale, Trump ayaa laba jibaaray soo jeedinta lagu doonayo in dib u dajin loogu sameeyo guud ahaan shacabka reer Falastiin ee Gaza dalalka Masar, Urdun iyo dalal kale.

Waxaan kudhisi karnaa lacag badan oo ay bixinayaan dalal kale, oo ay kujiraan waddamo aad hodan u ah waxa ayna diyaar uyihiin in ay bixiyaan, ree Gazana dalalka looraraayo waxa ay noqonayaan Urdun ama Masar, sidoo kale, waxaa dhici karta in ay dalalkale noqdaan” ayuu yiri Trump.

Qasa -Sami Abu Zuhri oo ka tirsan saraskiisha sar sare ee ururka Xamaas ayaa soo jeedintan ku tilmaamay mid ” lagu qoslo” iyo “wax aan macquul ahayn”.

“Fikrado kasta oo noocan ah ayaa awood u leh in ay shidaan gobolka,” ayuu yiru, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Abu Zuhri waxa uu sidoo kale ka jawaabay soo jeedintii hore ee Trump ee ahayd in dadka reer Qasa la dejiyo dalalka Urdun iyo Masar, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo lagu abuurayo qalalaase iyo xiisad gobolka kasoo kororta”.

“Dadkeena ku sugan Marinka Qasa ma ogolaan doonaan in qorshayaashan ay meel mariyaan, waxa loo baahan yahay waa in la joojiyo gumeysiga iyo gardarada ka dhanka ah dadkeena, ma ahan in laga eryo dhulkooda,” ayuu u sheegay warbaahinta

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News