SO | EN

SO | EN

Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Waqooyi Bari

|

LAASCAANOOD (KAAB TV) – Saakay magaalada Laascaanood waxaa ka socota  doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo ku-xigeennadiisa.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in ay xilkaan isu soo taageen shan musharrax, kuwaas oo labo kamid ah u tartamayaan guddoomiyaha, halka saddex kalena ay ku loolamayaan kuraasta ku-xigeennada.

Doorashadan ayaa ah mid si weyn indhaha loogu hayo, maaddaama ay saamayn ballaaran ku leedahay tartanka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Geeddi-socodka dhismaha maamulka Waqooyi Bari ayaa meel gabagabo ah maraya, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay caddeysay in shuruudaha dhismaha maamul goboleedkan lagu dhammaystiri doono marka si rasmi ah loo doorto madaxweyne, taasoo ka saaraysa xaaladda ku-meel-gaarnimada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News