Doorashada madaxweynaha dalka Iran oo lagu kala bixi waayay & labo musharax oo isugu soo hartay

|

Tehran (KAAB TV) – Dalka Iran waxaa Jimcihii ka dhacday doorasho xiisad iyo xamaasad badan oo loogu tartamayay xilka Madaxweynaha dalka Iran, kaddib geeridii ku timid Madaxweynihii dalkaasi ee shilka diyaaradeed ku dhintay.

Sidoo kale, doorashadii ka dhacday Iran Jimcihii ayaa la sheegay in aysan jirin musharax si buuxda u helay codadkii lagu kala bixi lahaa, waxaana doorashada isugu soo haray labo musharax oo kala ah Massoud Pezeshkian iyo  Saciid Jalili.

Dhanka kale, labada Musharax ee isku soo haray ayaana shanta bisha July doorasho ku celis ah oo la qabanaya po ay ku kala bixi doonaan, waxa ayna labada musharax wadaan olole xooggan oo mid kasta ku doonayo in doorashada ku guuleesto.

Musharax Massoud Pezeshkian ayaa ah xildhibaan qunyar socod ah oo katirsan baarlamaanka Dalka Iran , halka musharaxa la tartamaya ee Saciid Jaliili uu taageero buuxda ka heesto hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran .

Sikastaba, doorashadii dhacday Jimcihii ayaa la sheegay in labada musharax midkoodna uusan helin boqolkiiba 50 oo lagu daray hal cod, kaddib marki la tiray codadki ay dhiibteen ilaa 25 milyan oo cod-bixiye.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News