Laascaanood (KAAB TV) -Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia, taas oo si weyn loogu loolami doono.
Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota gudahamagaalada, waxaana xalay laga dareemay kala jiidasho xildhibaannada ah oo iyagu maanta soo dooran doono madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, si loo dhammeystiro maamulka.
Illaa 5 musharrax ayaa u tartameyso xilka madaxweynaha, waxayna kala yihiin Cabdulqaadir Axme Aw-Cali (Firdhiye), Jamaal Maxamed Xasan, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Rashiid Faarax Maxamuud iyo Maxamuud Yuusuf Xasan.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka iyana waxaa u tartami doono 5 musharraxa oo kale, kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), Cumar Daahir Xasan, Cabdirisaaq Maxame Jaamac, Cabdisataar Sheekh Cismaan Cumar (Dhagacadde) iyo Maxamed Cabdi Bulaale.
Dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa xalay ololahoodii ugu dambeeyay ka sameeyay Laascaanood, waxaana hadda lagu wadaa inay soo wada galaan howlka doorashada, si u galaan tartanka kama dambeysta ah.
Dhinaca kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo xalay bandow xooggan lagu soo rogay guud ahaan Laascaanood, inta ay socoto doorashada, si loo sugo amniga guud.

