SO | EN

SO | EN

Doorashada Muqdisho: Bandow, xayiraad iyo cod-bixiyaal lagu muransan yahay tiradooda

|

LONDON, United Kingdom (Kaab TV) – Maanta sida qorshuhu ahaa, ayna shaaciyeen kooxda guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka, waxay ahayd in doorasho ay ka dhacdo 16 degmo oo ka mid ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Dad ka badan 503,000 ayay guddiga lagu muransan yahay sheegeen inay kaararka codbixinta qaateen.

Haddaba dadkaasi ma usoo bexeen doorashada? Sideese loo codeeyay?

Warbixintaan waxaan ku soo koobayaa xog ururin, wareysiyo iyo indha-dheyn aan ku sameynay goobaha codeynta qaarkood, wariyaasha goobta tagay, qaar loo diiday, xubno ku dhow guddiga lagu muransan yahay, shaqaale dowladda iyo mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho.

Guud ahaan maanta magaalada Muqdisho waxay ku jirtay Bandow. Waxaa la xayiray isku socodka dadka, gaadiidka shacabka. Waxaa xirnaa dhammaan ganacsiyada iyo suuqyada. Waxaa kaloo la xiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo joojiyay dhammaanba duullimaadyada gudaha iyo dibadda.

Waxaa cakirnaa nolosha dadka, oo waxaa xitaa dadku ay awoodi waayeen inay suuqyada kasoo helaan cuntada daruuriga ah. Xayiraaddan oo saameyday nolosha dadka masaakiinta waxay kaloo ciriiri gelisay qulqulka dhaqaalaha iyo ganacsiga oo maanta kaliya khasaare malaayiin ah uu soo gaaray.

Isu socodka oo xirnaa darteed waxay celisay dad badan oo laga yaabo inay doorashada tagi lahaayeen, iyo warbaahinta xorta ee dooneysa inay si madax-bannaan u tabiso codeynta.

Xayiraadda Warbaahinta

Saxaafadda xorta ayaa ugu horreynba laga hor istaagay in si iskeed ah ay uga soo warranto goobaha codbixinta loo asteeyay. Wariyaasha aan la hadalnay waxay noo sheegeen in markii la aqoonsaday inay si naqdi ah wax uga qoraan xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud loo diiday inay helaan kaarka warbaahinta ee doorashada. Taas bedelkeeda waxaa baraha bulshada lagu arkay dhallinyaro baraha bulshada caan ka ah oo sita kaarar ay ku qoran tahay “saxaafadda” oo baraha Tiktok, Facebook iyo YouTube ku buunbuuninaya doorashada.

Waxaa baraha bulshada lagu arkay dhallinyaro baraha bulshada caan ka ah oo sita kaarar ay ku qoran tahay “saxaafadda”.
Waxaa baraha bulshada lagu arkay dhallinyaro baraha bulshada caan ka ah oo sita kaarar ay ku qoran tahay “saxaafadda”.

Falka noocan ah wuxuu dilayaa kaalinta suxufiyiinta xorta ah iyo warbaahinta ee korjoogteynta codbixin – haddiiba ay tahay mid dadku u dhan yihiin – iyo in la helo aragtiyo kala duwan.

Saameynta daran ee ay kooxaha baraha bulshada ka ol’oleeya (influencers) ku yeesheen doorkii warbaahinta ee isla xisaabtanka iyo soo bandhigidda khaladaadka dowladda ayaa hadda la dareemayaa, waxaana adag in bulshada hesho il wareed sugan maadaama la xayiray warbaahinta xorta ah taa bedelkeedana ay dowladdu lacag ku bixineyso dhallinyarada baraha bulshada ka amaana mas’uuliyiinta.

Waa laga wada og yahay in doorashadan tahay mid lagu muransan yahay. Isbahaysiga mucaaradka iyo dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa bayaan kasoo saareen Kismaayo 20 Disembar ku sheegay in doorasho aan loo dhameyn natiijadeeda aan la aqbali doonin. Waxay isbahaysiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed sheegeen in 20 Jannaayo 2026 ay billaabi doonaan diyaarinta doorasho kale oo lagu soo xuli doono xubnaha Baarlamaanka 2026 taasoo dabcan ka horimaaneysa doorashada maanta Muqdisho uu ka sameeyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidee Maanta Codeynta u Dhacday?

Wuxuu qorshuhu ahaa 16 degmo ay ka dhacdo doorashada. Marka laga reebo xarumaha degmooyinka, waxaa suuragali waayey oo dad ay iman waayeen badi goobihii loo asteeyay codeynta. Degmooyinka Shangaani, Shibis, Kaaraan, Wadajir, Hawlwadaag, Wardhiigley, Dharkeenley iyo Dayniile ayaa goobo tiro yar laga soo baxay.

Xukuumadda Xasan Sheekh oo si weyn u riixeysay doorashadan ayaa shaqaalaha dowladda ku qasabtay inay safafka galaan. Waxaana ugu horreeyay shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo askarta taliska nabadsugidda iyo booliska oo safafka galay iyaga oo iska dhigaya cod-bixiyaal shacab ah.

  • Degmada Shangaani waxaa codka ka dhiibatay 120 ruux, waxaana la xiray xarunta degmada oo ahayd goobta codbixinta abaare 2:00pm waqtiga Muqdisho
  • Degmada Dayniile waxaa dadku iman waayeen xarunta Gurmadac. Halka xarunta Iskuulka Al-Amal, Ilays, Barwaaqo, Al-Marwaas, Daaru Salaam, Daaru Xikma ay wadar ahaayeen ka codeeyeen 24 qof.
  • Degmada Wadajir: illaa 100 qof ayaa ka codeysay
  • Degmada Shibis guud ahaan 54 ruux ayaa ka codeysay oo ay ku jiraan 12 ruux oo Jaaliyadda Yemen ah, iyo 42 xarunta Degmada Shibis oo ay ku jiraan shaqaalaha Maamulka Degmada Shibis.
  • Xarunta Golaha Murtida iyo Madaalada: Waa goobta ugu badan ee ay tageen shaqaalaha dowladda, saraakiisha ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka, booliska maadaama ay ku taallo aagga madaxtooyada. Waana halka ay tirada ugu badan ka codeysay, ooay dowladdu sawirro badan kasoo qaaday u adeegsatay ka badbadinta tirada cod bixiyaasha.

Waxaa Iyana jira is diidooyin kale.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta sheegay inuusan codeyn doonin maadaama uu kasoojeedo Kismaayo, sidaasi darteedna aysan Muqdisho ahayn deegaan doorashadiisa. Hase ahaatee waxaa maanta la arkay Raisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Jaamac oo kasoo jeeda Hargeysa iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Xoosh oo kasoo jeeda Garoowe oo labaduba ka codeynaya Muqdisho.

Haddii Raisul Wasaaruhu diiday inuu Muqdisho ka codeeyo, side ayuu xeerka doorashada ugu ogolaanayaa wasiiradiisa?

Xeerka doorashada ayaa sidoo kale sheegaya in doorashada dowladaha hoose diyaarinteeda la bilaabo saddex bilood ka hor taasoo hadda khilaafsan sida lagu qabtay doorashadan oo muddo labo toddobaad ah lagu sameeyay.

Ma jirin ol’ole doorasho iyo tartan furan oo musharrixiin kala duwan ay ka qeybgaleen waayo mucaaradka way diideen. Guddiga lagu muransan yahay ayaa sheegay in 20 urur siyaasadeed ka qeybgaleen doorashada. Balse dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in badi ururrada ay yihiin isku xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh oo magacyo kala duwan la baxay.

Dadka aan wareysannay – oo ay ku jiraan kuwa codeeyay – ma aaminsana in doorasho sax ah ay dhacday, mana filayaan in doorasho xalaal ah ay waligeed ka dhici karto Soomaaliya. Waxayna u sababeynayaan ku tumashada sharciga iyo awood sheegasha muddada dheer ka jirta dalka.

Warbaahinta, kuwooda tirada yar ee bannaanka awooday inay ka tabiso dhacdada doorashada, waxay soo bandhigeen cabashada waayeello lasoo afduubay oo si qasab ah lagu keenay goobaha codbixinta, waxaana ka mid ahaa nin oday ah oo Xamar Weyne ku sugnaa.

Waxaa kaloo jirtay muuqaal si hoose lagu heley oo muujinaya koox dadka barakacayaasha Muqdisho ah oo baabus bus ah lagu soo guray oo loogu goodinaayo inay yeelaan wixii loo tilmaamo, waxaana qofka baabuurka waday uu lahaa “baabuurkaan dowladda soo kireysay” taasoo loo qaadan karay inuu ula jeedo xisbiga dowladda ee Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP.

Dhacdada maanta kaliya ma abuureyso sii kala fogaansho qeybaha siyaasadda, ee waxay horseedeysaa in dadweynuhu ka aamin baxo doorashada, loona qaato in doorashadu fal khiyaano ah, maadaama ay maanta dadku arkeen in iyadoo ol’ole jirin, heshiis jirin, magaalada Bandow tahay, haddana hal koox kaligeed ay sameysatay doorasho kaligeed ay sii ogtahay natiijada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News