HARGEYSA (KAAB TV) – Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in doorashada guud ay dhici doonto 13 November 2024.
War saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayay ku sheegeen inay madaxweynaha Somaliland u gudbiyeen jadwalka doorashooyinka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inay hal mar wada qaban doonaan doorashooyinka golayaasjha deegaanka, baarlamaanka iyo tan madaxtooyada.
“In doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka madaxweynaha ay ku tartamaan kaliya saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.
Doorashada baarlamaanka iyo tan golayaasha deegaanka ayaa waxaa loo oggolaaday inay ku tartamaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID iyo 10 urur oo ah kuwa gadaal laga diiwaangaliyay.
Muranka ka taagnaa doorashooyinka Somaliland ayaa salka ku hayay dib u dhaca doorashada iyo maamulka madaxweyne Muuse Biixi oo doonayey inuu meesha ka saaro xisbiyada Waddani iyo UCID, iyadoo la furay nidaam lagu diiwaangalinayo xisbiyo cusub hase yeeshee shaqeyn weysay markii laga hor yimid.