SO | EN

Doorashada Puntland: Arrimaha Saameynta ku leh Doorashada Madaxtinnimada Puntland

|

GAROWE (KAAB TV) – Xildhibaanadda Barlamaanka 6aad ee Dowladda Puntland ayaa berito oo Isniin ah dooranaya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka hoggaamin doona Puntland, oo ah gobol muhiim ah oo ka tirsan federaalka Soomaaliya, muddada shanta sano ee soo socota.

Doorashadan waxay dhacaysaa iyagoo xiriirka Dowladda Puntland iyo midka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu aad u xumaaday, kaasoo gaaray meeshii ugu hooseysay muddo.

Musharaxiin gaareysa 11 ayaa u taagan xilka madaxweynaha, waxaana ugu cad cad madaxweynaha hadda xilka haya Siciid Cabdullaahi Deni, Ra’isul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiwali Cali Gaas oo hore u soo noqday madaxweynaha Puntland, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Huruuse iyo xubno wasiiro iyo xilka kasoo qabtay Puntland.

Waxaa sidoo kale tartanka ku jira 11 musharax oo raadineysa xilka madaxweyne ku xigeenka.

Dhammaan musharixiinta ayaa khudbado ka horjeediyay xubnaha golaha barlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood. 66 xildhibaan waxaa dumar ka ah kaliya hal xildhibaan.

Dhammaan xildhibaanada waxaa soo xulay odayaasha dhaqanka waayo doorashadii qof iyo cod ee loo ballansanaa sannadkan waxaa ka hor yimid caqabado amni iyo diidmada beelaha qaarkood tasoo keentay in Puntland ay dib ugu laabato hannaanka xulista odayaal beeleedka oo ah tii lagu dhisay Dowladda Puntland sannadkii 1998.

Guddiga doorashada iyo amniga ee Puntland ayaa habeenimada caawa oo Axad ah ku dhawaaqay in berito la xiri doono dhammaan waddooyinka caasimadda Garowe iyo kuwa gobollada.

Haddaba maxay yihiin arrimaha waaweyn ee ku jiray khudbadaha musharixiinta ka hor jeediyeen Golaha Wakiillada Puntland ee saameynta ku leh codbixinta Isniinta berito?

Awood qeybsiga beelaha

Dhaqanka kursiga madaxtinimada Puntland waa mid wareega oo shantii sano mar la siiyo reer ka mid ah reeraha Garowe, Gaalkayo iyo Qardho. Waa xaqiiq in xildhibaanada ay doortaan madaxweynaha, balse xisaabta qabiilka ayaa sidoo kale saameyn leh.

Laga soo billaabo 1998 oo madaxweynihii ugu horreeyay uu ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo Gaalkayo kasoo jeeda, kursiga madaxtinnimada waxaa qeybsada saddexda beelood, marka laga reebo muddo kooban oo uu madaxweyne noqday Maxamed Cabdi Xaashi oo reer Sool ahaa, ahaana madaxweyne ku xigeenkii Cabdullaahi Yuusuf Axmed markuu noqday madaxweynaha Soomaaliya 2004.

Sida caadiga ah kursiga madaxweyne ku xigeenka waxaa ku tartama musharrixiinta gobolka Sool.

Amniga

Amniga ayaa ugu horreeya arrimaha saameynta ku leh codeynta. Dhammaan musharixiintuna way ka hadleen muhimadda ay leedahay sugidda amniga iyadoo ay Puntland muddo dheerba dagaal kula jirtay kooxaha argagixisada sida Daacish iyo Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale hadda soo cusboonaatay dhibaatada kooxaha burcad badeedda ee afduubka u geysanaya maraakiibta, kuwaasoo qaarkood kula soo dhuunta xeebaha Puntland.

Dib u heshiisiinta iyo wada jirka dadka ku nool Puntland ayaa sidoo kale aad ugu soo laalaabatay hadallada musharixiinta ay jeediyeen.

11 Musharrax oo uu ku jiro madaxweyne Siciid Deni ayaa u tartamaya kursiga madaxtinnimada Puntland.

Arrinta SSC-Khaatumo

Dadka Puntland waxay dhalasho wadaagaan reer SSC-Khaatumo. Puntland ayaa taageero weyn siisay dagaalkii SSC-Khaatumo la gashay Somaliland oo keenay in 25 August 2023 ciidamada Somaliland laga saaro Laascaanood. Hase yeeshee odayaasha dhaqanka Khaatumo ayaa dhowaan shaaciyay inay ka bexeen Puntland oo ay noqonayaan maamul gooni ah.

Laakiin haddana sidaas oo ay tahay, xildhibaanada matalaya Sool, Sanaag iyo Cayn (Dhulbahante iyo Warsangali) ayaa ka mid ah golaha barlamaanka 6aad ee Puntland.

Arrinta SSC-Khaatumo, oo aan weli helin aqoonsiga buuxa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo xiriirka mustaqbalka kala dhexeynaya Puntland ayaa ah arrin weyn oo hareyneysa doorashada.

Musharixiinta hadashayna way qireen in arrinta SSC-Khaatumo ay tahay mid u baahan xal.

Dimuqraadiyadda iyo caddaaladda

Ku dhowaad 25 sano oo Puntland ay jirtay, gaarista dimuqraadiyad buuxda weli waa rajo. Doorashada 2023-2024 oo ay ahayd in qof iyo cod lagu galo ayaa shaqeyneyn weysay inkastoo malaayiin doolar beesha caalamku ku bixisay.

Markale ayay arrintani noqoneysaa mid taabaneysa musharax kasta oo barnaamij siyaasadeedkiisa la hor imaanaya golaha baarlamaanka.  Lamase oga sida ay ku rumoobi karto riyadan aan weli la helin ee doorashada qof iyo cod.

U dhaqdhaqaaqayaasha haweenka Puntland oo la hadlay Kaab TV waxay iyaguna sheegeen inay ka rajo qabaan in madaxweynaha iman doona ee Puntland uu arrinta dimuqraadiyadda socodsiin doono.

Xiriirka Dowladda Federaalka

Caqabadda ka dhex aloosan Puntland oo lagu tilmaamo hooyada federaalka, kana da’ weyn Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku kooban, ayaa noqotay arrin hadalheynta doorashada Puntland figta sare kaga jirta.

Musharrixiinta tartanka doorashada hadda ku jirta way ku kala aragti duwan yihiin. Madaxweyne Deni iyo qaar kaloo musharixiinta ka mid ah waxay u arkaan in Puntland ay difaaceyso arrin dastuuri ah oo ku saleysan inaan marnaba gorgortan laga gelin ‘federaaleynta dalka iyo in maamulka dalka uusan ku koobmin Muqdisho. Taasi dadka Puntland badankood way wada qabaan, waxayna sas ka qabaan arrimaha ay ka mid yihiin bedelida dastuurka Ku-Meel-Gaarka ee Soomaaliya iyo xayiraadaha dhaqaale ee Dowladda Muqdisho ku soo rogtay Garowe oo sii ballaariyay shakigii hore u jiray ee ahaa in Muqdisho ay marwalba dooneyso xukun kaligeed gacanta ugu jira.

Hase yeeshee qaar ka mid ah musharixiinta ayaa aaminsan in Puntland iyadoo xuquuqda raadineysa haddana ay tahay inaysan miiska wada hadalka ka maqnaanin, taasoo ay ula jeedaan in maamulka hadda hoggaanka haya ee Siciid Deni uu qaadacay kulamada Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

La dagaalanka musuqa, shaqo la’aanta

Arrinta shaqo la’aanta, dhaqaalaha oo liita iyo musuqmaasuq baahsan oo ka jira Puntland ayay musharrixiintu sheegeen. Waxay qaarkood ku eedeeyeen in fursadaha shaqada iyo mashaariicda horumarinta iyo kuwa dowladda ay noqdeen kuwo dad gooni ah lagu naasnuujiyo. Shaqo la’aanta ayaa si gaar ah u taabaneysa dhallinyarada maadaama ay yihiin ku dhowaad 70% guud ahaan bulshada Soomaalida.

si kastaba waxaa la dhowrayaa sida codeyntu u dhacdo berito oo Isniin ah, iyadoo ay suuragal tahay in arrimo badan oo soo jireen ahaa isbedelaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News