SO | EN

SO | EN

Doorashada Somaliland: Guddiga oo ganaaxay agaasimaha madaxtooyada, xayiraad la saaray Kulmiye iyo Wadani

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xayiraad ku soo rogay ol’olayaasha doorashada ee xisbiyada Kulmiye iyo Wadani xilliyada habeenkii, ka dib markii lagu eedeeyay labada xisbi inay xilli hore billaabeen ol’olaha.

Guddiga Anshaxa Doorashooyinka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada xisbi ay galeen xadgudub xeerka doorashooyinka, waxaana labada xisbi laga joojiyay maalmihii ay kulahaayeen wareega labaad ee ol’olaha doorashooyinka oo kala ahaa 6 Nofembar 2024 oo Kulmiye uu lahaa iyo 7 Nofembar oo uu lahaa xisbiga Wadan ee mucaaradka ah.

Go’aankan waxaa ku dhawaaqay Aadam Xuseen oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka ee Somaliland.

Waxaa labada xisbi lagu eedeeyay inay xilli hore billaabeen ol’olaha oo laga rabay inay billaabaan 8:00pm habeenkii, hase yeeshee ay billabeen 6:00pm, taasoo ka hor imaaneysa xeerka anshaxa doorashada.

Waxaa kaloo Kulmiye iyo Wadani lagu eedeeyay inay waddooyinka waaweyn la mareen cod baahiyaal iyo inay rag iyo dumar is dhexgaliyeen.

Ganaax lacageed oo lagu soo rogay agaasimaha madaxtooyada

Guddiga Anshaxa Doorashooyinka ayaa ganaax lacageed oo dhan 20 milyan oo Shilinka Somaliland dulsaaray Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile, oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa lagu eedeeyay inuu fagaaraha Kheyriyadda Hargeysa oo ah goob aan loo ogoleyn ol’olaha doorashada uu ku sameeyay ol’ole xisbiga Kulmiye.

Guddiga doorashada ayaa hore sharci mamnuucis uga soo saaray in goobaha fagaarayaasha dowladda iyo hantida dowladda aan loo adeegsan karin ol’olaha xisbi gooni ah.

Waxaa kaloo xisbiga Kulmiye lagu eedeeyay in taageerayaal hubeysan ay ku dhex jireen ol’olaha habeenkii Axadda ee 27ka October oo ka dhacday magaalada Hargeysa, halkaasoo rasaas laga maqlay, ka dibna la arkay rag hubeysan oo ka qeybgalaya ol’olaha xisbiga Kulmiye.

Guddiga doorashooyinka ayaa Talaadadii arrinkan kala hadlay booliska, waxaana xalay hay’adda Nabadsugida Somaliland ay sheegtay inay xireen afar ruux oo arrinkaasi loo heysto. Waxaa afarta la sheegay in saddex ay askar yihiin halka mid uu yahay qof shacab ah.

Waxaa iyana jirta qof shanaad oo dadka hubeysan ka mid ahaa oo weli la baadigoobaayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News