SO | EN

Doorashada Turkiga: Codadka la tiriyay illaa hadda

|

Ankara  (KAAB  ) Natiijooyin hore ayaa soo baxaya doorashada sida weyn isha loogu hayo ee Turkiga, kaddib  markii la soo xiray goobaha codka laga dhiibanayay. Dadka gaaraya 64 milyan ayaa  loo oggolaaday inay codeeyaan.

Madaxweynaha hadda talada haya ee Recep Tayyip Erdogan ayaa codkiisa ka dhiibtay magaalada Istanbul. Labada musharax ee kale, Kemal Kilicdaroglu iyo Sinan Ogan, ayaa ka codeeyay caasimadda Ankara. Haddii musharraxa aanu helin wax ka badan kala badh codadka wareegga koowaad ee codbixinta, waxa la qaban doona wareeg labaad 28 , May.

Natiijada horudhaca ah ee doorashada Turkiga ayaa waxaa tebisay wakaaladda wararka Turkiga  Anadolu Agency, waxayna muujineysaa in Madaxweyne Erdogan uu tiro yar ku horreeyo.

Balse waxay ku saleysan tahay qeyb yar oo ka mid ah codbixinta, 32% , iyadoo taas lagu saleynayo, ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu  waxay tebisay in Erdogan uu 53.37% ku hoggaaminayo musharraxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu oo heysta 40.68%.

Falanqeeye siyaasadeed,Ali Carkoglu oo ku sugan Istanbul ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera inay adagtahay xilligan in wax la saadaliyo, wuxuu inta ku daray in la filayo hoos u dhac ku yimadaa codadka uu helayo madaxweynaha xilka haya ee Erdogan.

Wariyaha Al Jazeera,  Hashem Ahelbarra oo ku sugan bannaanka xarunta xisbiga mucaaradka CHP ee Ankara , wuxuu sheegay in xubnaha xisbiga ee halkaas jooga ay sheegeen in loo baahan yahay waqti dheeri ah “si loo awoodo in la dareemo natiijada hordhaca ah”, isagoo xusay in rajada xisbigu ay tahay in tani ay noqon doonto tartan “aad u adag”.

Dhinaca kale , mucaaradka Turkiga ayaa sheegay in Kilicdaroglu uu hogaaminayo codadka la tiriyay, waxayna ku eedeeyeen wakaaladda Anadolu inay marin habaabisay shacabka, iyagoo sheegay in Kilicdaroglu uu  ku hogaaminaya farqi weyn magaalooyinka Kurdiyiinta. Afhayeenka CHP, Faik Oztrak ayaa dad weynaha kula taliyay inay sugaan xogta ay iyagu baahinayaan!

W/Q Iman Jama

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News