LAASCAANOOD (Kaab TV) – Waxaa soo dhammaatay doorashada hoggaanka maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, taas oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Cabduqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye oo ahaa hoggaamiyihii SSC-Khaatumo, oo hadda loo bedelay Maamulka Waqooyi Bari, ayaa ku guuleystay doorashada isaga oo heley 62 cod wareeggii labaad ee doorashada.
Musharaxii la tarmatamay ee ugu soo dhowaa oo ahaa Cabdirisaaq Khaliif ayaa heley 20 cod wareeggii koowaad, hase ahaatee wuxuu ka baxay goobta codeynta isaga oo xanaaqsan wareeggii labaad.
Cabdirisaaq oo mar ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland ayaa loo arkayay nin saameyn ku leh deegaanka, hase ahaatee waxaa muuqata inuusan ku qancin natiijada doorashada.
Musharraxa saddexaad oo ahaa Jamaal Maxamed Xasan ayaa heley 15 cod, hase ahaatee wuxuu wareeggii labaad taageeray Cabduqaadir Firdhiye.
Waxaa codeysay xubnaha Baarlamaanka ee Maamulka Waqooyi Bari oo ka kooban 83 xubnood, oo ah xubno ay soo xuleen odayaasha beelaha deegaanka.
Waqooyi Bari ayaa ka kooban Sool iyo Sanaag, hase ahaatee odayaal beeleedka Sanaag ayaa kuwooda ugu miisaanka culus ay diideen ka qeybgalka maamulkan oo ah mid ay dhistay dagaalna ka riixeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo horey u ahaa Guddoomiyihii Hore ee Barlamaanka Puntland oo uu kasoo goostay iyadoo xubinnimadiisa baarlamaan la laayay, ayaa hadda noqday madaxweyne xigeenka Waqooyi Bari, isaga oo heley 65 cod.
Jibriil wuxuu kasoo jeedaa gobolka Sanaag oo u kala qeybsan Puntland iyo Somaliland, isla markaana maamulkan cusub ee Waqooyi Bari uu ku darsaday deegaanada uu ka talin doono walow ay qabaa’ilku diidan yihiin.
Puntland iyo Somaliland, oo labaduba deris u ah maamulka cusub, ayaa aad u diidan dhismaha maamulkan cusub. Somaliland waxay u aragtaa in Laascaanood ay tahay qeyb ka tirsan Somaliland, halka Puntland ay aaminsan tahay in dadka reer Sool iyo Sanaag ay yihiin Puntland.
Laaluush baaxad leh oo lagu bixiyay doorashada
Wariyaasha Kaab TV ayaa ogaaday in dhammaan musharixiinta ku jirtay tartanka illaa shan xubnood ay bixinayeen lacago u dhexeeya USD 15,000 illaa USD 30,000 xildhibaan kasta si ay cod uga helaan.
Kaab TV waxay lacagan ka xaqiijisay xildhibaanno saxaafadda saaxiib la ah oo naga codsaday inaan magacyadooda loo adeegsan warbixintan.

Sidan ayaana lacagaha musharixiintu u bixinayeen:
Cabduqaadir Firdhiye, oo ahaa musharaxa kursiga hoggaamiyaha maamulka horey ugu fadhiyay ayaa ahaa musharaxa ugu lacagta badan ee xildhibaanada siinayay illaa xalay si uu cod uga helo.
Kaab TV waxay ogaatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageereysay musharax Firdhiye ay keentay diyaarad siday illaa USD saddex milyan magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay.
Firdhiye ayaa bixiyay lacago u dhexeeya USD 25,000 illaa usd 30,000, waxaana qiyaasta xildhibaanada uu siiyay ay dhan yihiin illaa 60 xildhibaan.
Qof ku dhow xafiiska Firdhiye oo Kaab TV la hadlay ayaa sheegay in lacagaha la bixiyay aysan ahayn “laaluush” balse ay qeyb ka tahay ol’olaha doorashada. Wuxuu sheegay in marka kulamo uu la yeelanayo musharax Firdhiye odayaal dhaqamadeedka, haweenka, dhallinyarada iyo xildhibaanada ay tahay inuu u sameeyo ballanqaad ama uu u fuliyo waxyaabo baahiyahooda ah.
Odayaasha qabiilada ayaa ah kuwa soo xulay xildhibaanada codka bixinaya, sidaas ayayna taageeradoodu muhiim u tahay.
Celcelis ahaan waxaa la qiyaasayaa in musharax Firdhiye kaligiis ay ka baxday USD 1,650,000 (hal milyan lix boqol iyo konton kun).

Cabdiraaq Khaliif oo ahaa musharaxa labaad ee ugu codadka badnaa ayaa isaguna bixiyay lacag dhan illaa USD 20,000 xildhibaan kasta. Ilo wareedyo ku dhow kooxda ol’olihiisa ayaan ka xaqiijinay inay qaabileen illaa 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka cusub ee Waqooyi Bari.
Cabdiraaq Khaliif waxaa la xaqiijiyay inuu taageero ka heysto Puntland, iyo xubno ka mid ah Dowladdii Madaxweyne Farmaajo. Ilo wareedyada ayaa noo sheegay inay soo gaartay illaa hal milyan iyo shan boqol kun doollar oo la sheegay inay ka timid dal Carbeed.
Celcelis ahaan waxaa la qiyaasayaa in Cabdirisaaq Khaliif ay ka baxday illaa USD 1,000,000 (hal milyan oo doolar).
Jamaal Maxamed Xasan oo heley illaa 15 cod oo ahaa xildhibaanada beelaha gobolka Sanaag ayaa la sheegay inuu ahaa qofka ugu lacagta yaraa. Jamaal waa wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladda Federaalka, halka xaaskiisa ay hadda tahay safiirka Soomaaliya ee China.
Waxay dhowr il wareed noo sheegeen in Jamaal USD 5,000 uu siiyay qaar ka mid ah xildhibaanada.
Jamaal ayaa sidoo kale la sheegayaa in daqiiqadihii u dambeeyay uu is afgarad ah inuu taageero Cabduqaadir Firdhiye la galay Dowladda Federaalka. Warar ayaa sheegaya in xil cusub isaga loo ballanqaaday, halka jagada safiirnimo ee xaaskiisana uu badbaadiyay ka dib markii Dowladda Federaalka ay ugu goodisay inay ceyrin doonto.
Musharax Maxamed Yuusuf, oo ah nin la dhashay mulkiilaha shirkadda HASS Petroleum ayaa la xaqiijiyay inuu xildhibaano ku dhow 50 uu siiyay USD 15,000 qofkiiba, taasoo guud ahaan dhan 750,000 doolar.
Maxamed Yuusuf ayaase heley 8 cod wareeggi koowaad ee doorashada, sidaas ayuuna ku haray.
Qof ku dhow kooxda ol’olihiisa ayaa Kaab TV u sheegay in musharax Maxamed Yuusuf uu hadda doonayo inuu lacagihiisa kasoo ceshado xildhibaanadii u codeyn waayay. Soomaaliya waxaa horey uga dhacday in xildhibaanno lacago laaluush qaatay oo codeyn waayay qaarkood loo hanjabay, ama la dilay ka dib markii ay lacagtii laaluushka ee ay qaateen soo celin waayeen.
Doorashada ka dib iyo 2026
Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal iyo lacag badan gelisay dhismaha maamulka Laascaanood kaas oo ay ka aragto dano siyaasadeed oo la xiriira doorashada 2026.
Xasan Sheekh wuxuu hadda garawsan yahay caqabadaha hortaagan qorshihiisa doorashada 2026 iyo bedelidda dastuurka.
Sida hadda la qiyaasayo, Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku dhaqaaqi doona sidii kuraasta xildhibaannada federaalka ee gobollada Sanaag iyo Sool, oo horey doorashadoodu uga dhici jirtay Puntland, hadda loo soo wareejiyo Laascaanood, taasoo Xasan Sheekh u arko inay codad u kordhin karto haddii la qabto doorasho dadban sannadka 2026.
Tani haddii ay dhacdo waxay abuuri kartaa khilaaf hor leh oo sababa rabshado doorashada 2026 ee Soomaaliya.

