Doorashadii Guddoonka Golaha Shacabka BFS oo maanta laga jooga 4 sano

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku beegnayd April 2022, maanta oo kale 28kii April isla sanadkaas waxaa la doortay Guddoomiye ku xigeennada Golahaas.

Maanta 4 sano ayaa laga joogaa waqtigaas la qabtay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya, waxaa muddadaas u hirgeliyay meel marinta shuruuc badan oo kasoo gudbay Xukuumadda halka qaar kale ay weli qabto u yihiin.

Xildhibaanada qaar ayaa ku dooday in muddo xileedkoodu uu dhammaaday isla markaana ay u hoggaansan yihiin Dastuurkii 2012 balse waxaa aragtidaasi diidan Xildhibaanno kale oo ku dooday in uu sanad u dhiman yahay iyaga oo ku dhaqmaya dastuurka cusub 2026.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan fasax ku maqan, Dowladda ayaa xoogga saaraysa qabsoomidda Doorashada Dadweyne iyada oo ka qabanaysa Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, HirShabeelle & Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa horay usoo dhawaysay doorashadii dadweyne ee Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir taas ka dhacday Caasimadda 25kii December 2025 inkasta oo xubnaha mucaaradka ay diideen doorashadaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News