Doorashooyinkan iyo magacaabista waxay ahaayeen fursad uu lumiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

|

Muqdisho (KAAB TV) -Doorashooyinkan iyo magacaabistan tafaariiqda ah waxay ahaayeen fursad uu lumiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu tijaabin karay mashruuca doorashada qof-iyo-codka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa November 23, 2024 ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka. Xeerkan wuxuu dhigayaa in doorasho toos ah, qof-iyo-cod ah, oo qarsoodi ah lagu doorto heer federaal, heer dowlad-goboleed, ilaa dowladaha hoose.

Ansixintii xeerkan ka dib, dowladda federaalku waxay maareysay 3 doorasho oo heer federaal ah iyo hal doorasho oo heer dowlad-goboleed ah, waxayna sameysay 11 magacaabis oo heer gobol ah, balse midkoodna dowladdu uma marin doorashadii qof-iyo-codka ahayd ee Baarlamaanku ansiyay.

Dhanka doorashada Federaalka, Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo xeerku u xilsaaray qabasahada doorashada qof-iyo-cod ah waxay magaalada Dhuusamarreeb doorasho dadban kursiga HOP 248 ugu xireen Xil. Saadaq Cumar Xasan (Joon). Juun 19, 2025 waxay doorasho dadban kursiga HOP 058 ugu xireen Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Sidaas oo kale ayay Maarso 8, 2025 kursiga HOP 049 ugu xireen Xil. Maxamed Cabdi Cali Faarax. Doorashooyinkan dadban waxay baalmarsan yihiin Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

Dhanka doorashada Dowlad-goboleedyada, dowladda federaalku waxay bishaan Agoosto dhistay Golaha Wakiillada ee maamulka Waqooyi-Bari, waxaana xildhaannada soo xulay odayaasha dhaqanka, taas oo khilaafsan hannaanka doorashada qof-iyo-codka ah ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

Dhanka dowladaha hoose, ansixintii xeerkan kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Dec 10, 2024 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir, mar kalena wuxuu May 28, 2025, xilkan u magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Guddoomiye Muungaab iyo Amiir waxay magacaabeen 9 guddoomiye degmo, taas oo khilaafsan Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo dhigaya in Duqa Caasimadda lagu soo dooranayo doorasho toos ah, qof-iyo-cod ah, oo qarsoodi ah.

Doorashooyinkan iyo magacaabistan tafaariiqda ah waxay ahaayeen fursad uu lumiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu tijaabin karay mashruuca doorashada qof-iyo-codka ah. Waxaana iswaydiin mudan, haddii doorasho qof-iyo-cod ah lagu dooran waayay seddaxdii kursi ee Golaha Shacabka, xildhibaannada Waqooyi-Bari, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Caasimadda, sidee loogu kalsoonaan karaa in hal mar doorasho qof-iyo-cod ah laga qabto heer federaal, heer dowlad-goboleed, ilaa dowladaha hoose ee caasimadda iyo gobollada dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News