SO | EN

SO | EN

DOWLADA SOMALIYA OO HESHIIS LA SAXIIXATAY UNSOS IYO ATMIS KA DIB KULAN KA DHACAY NEWYORK

|

New york(kaab tv)Waasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareekanka Soomaaliya ugu saxiixay heshiis saddex geesood ah oo ay wada galayeen DFS, UNSOS iyo ATMIS, kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya.

“Waxaan magaalada New York ee dalka Mareekanka ku kala saxiixannay heshiis saddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”. ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu shalay ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News