Baledweyne (Kaab TV) -Wafdi sare oo ku sugan dowladda Federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Baladwayne ee gobolka Hiiraan, waxaana ay kulamo la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka iyo saraakiisha Amniga.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Daahir Shire oo kulan gaar ah la yeeshay bulshada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dib u soo celinta amniga magaalada Beledweyne, si ay qeyb uga noqoto dadaallada dalka ka socdo.
“Waxaan muddo 90 cisho ah ka shaqeynayna nabadeynta gobolka Hiiraan, Dowladda Siyaasadeeda waa caddahay, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Baarlamaanka Jihaa la aaday, annagana waa in aynan ka harin oo aynu qabana doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Daahir Shire.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Federaalka ay ku dadaaleyso sidii dalka looga qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah.