Kampala (Kaab TV)-Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay kago antahay in Ciidamada dhimista ciidamadeeda kahoos shaqeeya Midowga Africa ee kusugan gudaha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha diabadda Uganda Abubaker Jeje Odongo oo go, aankan cusub kasheegay Shirka wasirada dalalka ee Ciidamada kajoogaan Soomaaliya oo kadhacay Kampala ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa ay kashaqeynayso hirgelinta qorshaha ATMIS ay ugu baxeyso dalkeena markii lagaaro sanadka 2024-ka.
Wasiir Odongo ayaa sidookale waxa uu dowladda Federaalka uu ku aamanay gulufka dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab iyo abaabulka Ciidamada shisheeye si ay ugu biiraan dagaalka socdo, isaga oo kadhawaajiyay in dalkiisa ay kago,antahay in ay Soomaalliya kataageerto raadinta nabadda, amniga iyo xasiloonida.
Uganada waxay ay aheyd wadankii ugu horeeyay ee Ciidamo nabad ilaalin ah usoo dira Soomaaliya sanadkii 2007-dii oo ay kaalin ween kaqaateen soo celinta nabadda ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Uganda.
Odingo ayaa sidoo kale kadhawaajiyay in dufcad kale oo kakooban 3,000 oo askari ay Bilaabeen Tababarkooda taasi oo qeeb ka ah dadaalka socda iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga ee 2024-ka.
Sikastaba Uganda ayaa martigalineysay maalmihii udambeeyay kulan muhiim u ah Amaanka soomaaliya iyo howl-galka ATMIS kaasi oo ay qeeb ka ahaayeen taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida iyo wafuud ka kala socoto,Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya.