SO | EN

SO | EN

Dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo dalbaday 8,000 askari dheeraad ah

|

Muqdisho (KAAB TV) -Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan ​​la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyadoo Burundi la filayo in ay kala baxdo ciidamadeeda Soomaaliya.

Ergooyin ka kala socday dalalka Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya, Uganda, Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo Ururro dhowr ah ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku shiray dalka Uganda, iyagoo ka wada hadlay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo horumarrada laga gaaray howlgalka.

Saraakiishu waxay warkooda ku sheegeen in ciidan yaraantu ay keentay habacsanaan dhanka ammaanka ah, taasoo keentay in Al-shabaab ay soo laba kacleeyaan, oo ay  qabsadaan deegaanno badan oo ka tirsan Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku taliyay in 8,000 oo askari lagu soo kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda ammaan ee hadda jirta loogana hortago dib u celinta guulihii adkaa ee laga gaaray.

Saraakiishaan ayaa ka digay in ka bixitaanka ciidamada Burundi iyadoo aan la helin rajo ah in lagu beddelo ciidamo hor leh ay abuuri doonto daldaloolo hor leh oo sii xumeyn doonta xaaladda ammaan ee Soomaaliga.

Ilo-diblomaasiyadeed ayaa wakaaladda wararka ee France-Press u sheegay in ka bixitaanka ciidamada Burundi ay salka ku hayso khilaaf u dhexeeya iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News