Jabuuti (KAAB TV) – Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa ku dhawaaqay iskaashi la xiriira dhinaca dhaqaalaha iyo tamarta, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.
Labada wadan ayaa iska kaashan doona hawlgelinta iyo ballaarinta Dekedda Doraleh, oo ku taalla Badda Cas, taasi oo qeyb ka ah isku socodka dadweynaha guud.
Sidoo kale, Masar ayaa Jabuuti ka taageeraysa waddo dhererkeedu yahay 90 km oo isku xiri doonta Jabuuti iyo Itoobiya, taas oo fududayn doonta isu-socodka ganacsiga iyo gaadiidka.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan dadaalka Jabuuti ku dooneyso in ay sameyso dekado iyo mashaariic fursad u noqon kara geeska Afrika.
Ku dhawaaqista mashaariicdan ayaa timid kadib booqashadii Madaxweyne Cabdel-Fataax Al-Sisi uu sanadkan ku tegay Jabuuti, halkaas oo labada dal ay ku kala saxiixdeen heshiisyo la xiriira iskaashiga dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo tamarta.
Masar ayaa dooneysa in ay saameyn ku yeelato gobolka geeska Afrika, iyadoo ku dadaaleyso horumarinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Suuqyada gobolka.

