SO | EN

SO | EN

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kalluumeysiga Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Soomaaliya iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya, oo muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa dhinaca Dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, Ahmed Hassan Aden, halka dhinaca Shirkadda OYAK uu saxiixay
Sermaye Yatırımları Anonim Şirketi.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya waxaa shaaca looga qaaday in Heshiiskan uu si weyn uga qayb qaadan doono kor u qaadista dakhliga ka soo xarooda kheyraadka badda Soomaaliya, isla markaana uu hormuud u noqdo shaqo-abuur ballaaran oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan.

“Waxa aan maanta saxiixay heshiis muhiim ah oo dhex maray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga, kaas oo diiradda saaraya horumarinta kalluumeysiga dalka, Heshiiskan ayaa leh muhiimad gaar ah oo ku saabsan kobcinta dhaqaalaha buluugga ah” ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya.

Wasiir Axmed ayaa ka dhawaajiyay in Heshiiskaan uu xooga saarayo qodobo istaraatiiji ah sida maal-gashiga kaabeyaasha kalluumeysiga, kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka, tayeynta kalluunka si loo gaaro suuqyada caalamiga ah, dhisidda warshadaha kalluumeysiga, iyo abuurista shaqooyin cusub oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan

Heshiiskani waxa uu sidoo kale gacan ka geysan doonaa la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, waxaana la filayaa in uu ka qayb qaato kor u qaadista dakhliga ka soo xarooda kheyraadka badda ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News