Britain (KAAB) – Booliska dalka Britain ayaa xabsiga u taxaabay dacwadna ku soo oogay saddex nin oo u dhashay dalka Bulgaria oo looga shakisan yahay inay u basaasayeen Ruushka.
Sidoo kale, Labo nin iyo qof dumar ah oo la xiray bishii February, ayaa lagu hayaa xabsiga tan iyo xilligaas.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay haystaandukumenti aqoonsi ay ulajeeddo aan habboonayn ka lahaayeen.
Dhanka kale, dukumeentiyo oo isugu jira baasabooro iyo warqado aqoonsi ayaa la sheegay in loogu talagalay in lagu tago wadamo badan oo Yurub ku yaallo.
Saddexdan qof ayaa ku noolaa Ingiriiska muddo sannado ah, iyagoo ka shaqaynayay shaqooyin kala duwan, waxaanay ku noolaayeen guryo dhawr ah oo ku yaalla duleedka magaalada.
Waxa lagu wadaa in la maxkamadeeyo Janaayo. Wali racfaan kamay qaadan dacwadaha lagu soo oogay ee basaasnimada ah.