Burkina Faso (KAAB TV) –Dowladda Burkina Faso ayaa horumar dhinaca dhismaha waddooyinka ah ku samaysay muddo kooban, waxaa la dhisay 5,000 oo Kiilomitir oo Laami ah oo weliba si casri ah loo dhisay, tallaabadaan waxaa lagu hirgeliyay hal sano.
Madaxweynaha Burkina Faso ayaa horay u sheegay in Dowladdiisa ay qaadayso tallaabooyin aanay xitaa isku dayi Karin dalalka reer Galbeed, waxa uu intaas ku daray in mashaariicda dhismaha waddooyinka ay yihiin qayb kamid ah muhiimadda Dowladda.
Waxa uu ku digtay dalal dhaqaale xaddidan leh oo reer galbeed ah kuwaas oo dadkooda u qaban waayay mashaariicda muddada kooban Dowladdiisa ay u qabatay Dadkiisa sida uu sheegay Madaxweyne Ibraahim Troare.
“Dalal yar yar oo reer galbeed ah ama meelo kale ku yaalla isla markaana leh dhaqaale xaddidan ayaa awoodi waayay in ay dhisaan waddooyinkooda, Burkina faso way dhaqaaqday oo waa ay isku tashatay, waxa aan haysanaa awood iyo agab, waxaa naga go’an in aan dhisno waddooyin badan oo Muhiim u ah isu socodka Magaalooyinka waa wayn” Ayuu yiri Madaxweynaha Burkina Faso, Ibraahim Traore.
Dalka Burkina Faso oo madaxbannaani ka qaatay gumaystihii Faransiiska ee Afrika qayb kamid ah isticmaarsaday waxa uu qaaday tallaabooyin uu ku eryay kooxaha calooshood u shaqaystayaasha ah ee reer galbeedka si looga baxo xaaladaha ay abuureen.

