SO | EN

SO | EN

Dowladda Burundi oo khiyaano ku tilmaamtay in howlgalka cusub ee AUSSOM laga reebo

|

Bujumbura (KAAB TV) – Dowladda Burundi ayaa gabi ahaanba isaga hartay howlgalka Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM, iyadoo sabab uga dhigtay khilaaf weyn oo ka dhashay tirada ciidamada loo qoondeeyey oo ay ku tilmaantay khiyaano dhinaca Soomaaliya uga timaaday.

Sidoo kale, arrintan ayaa banaanta timid kaddib markii Soomaaliya ay u qoondeysay Burundi kaliya 1,041 askari, taasi oo aad uga yar 2,000 oo askari oo Burundi ay doonaysay in loogu daro howlgalka cusub.

Dhanka kale, Warqad ku taariikheysneyd 26-kii December oo uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur u diray dhiggiisa dalka Burundi ayaa lagu xaqiijiyay go’aankaasi, taasi oo keentay in ciidamada dalka Burundi ay dib uga laabtaan howlgalka.

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Burundi oo magaciisa ka gaabsaday oo la hadlay warbaahinta Uganda ayaa dhaliilay go’aanka Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Tani waa mid cad oo khiyaano iyo abaal dhac, gaar ahaan kaddib dadaallo ballaaran oo aan ku bixinay ladagaalanka kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.”

Tan iyo 2007, Burundi waxa ay kaalin firfircoon ka qaadatay amniga Soomaaliya, iyadoo markii hore ka mid aheyd howlgalka AMISOM, ka dibna howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ATMIS. Askartii ugu horreysay ee ay ku tabarucday ayaa ahaa 5,400 oo askari.

Diblomaasi Burundi ah ayaa VOA u sheegay sida uu uga xun yahay, isagoo yiri: “In arrintan lagu sheego abaal dhac waa wax yar, Soomaaliya waxaan ku leenahay raali-gelin.”

Howlgalkan oo larajeynaayo inuu bilowdo Janaayo 2025, ayaa ka koobnaan doona ciidan yar oo ka kooban 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 booliis ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay heshiisyo laba geesood ah oo ay la gashay dalalka ku tabarucaya ciidamadan.

Ugudambeyntii, Ku-xigeenka ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Yuusuf ayaa ku sheegay muhiimadda ay heshiisyadan u leeyihiin in la sii wado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi uu qiray naf-hurnimadii Burundi kuna sheegay mid ku qorantay taariikhda Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News