SO | EN

SO | EN

Dowladda Federaalka oo ka hortimid kaarka aqoonsiga Puntland

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay kaararka aqoonsiga ee cusub ee ay Puntland dhawaan soo saartay, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid dhaawacaysa aqoonsiga qaranka iyo nidaamka dowladnimada dalka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Xoosh, ayaa lagu sheegay in go’aanka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu yahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba khaldan.

“Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta aqoonsi kale oo lagu carqaladeynaayo Aqoonsiga Qaranka, waa khalad mas’uuliyadeed iyo sharciyeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeysa hannaanka dowladnimada dalka,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Puntland ay si rasmi ah u shaacisay hirgelinta nidaamkeeda kaararka aqoonsiga, kaddib markii uu Madaxweyne Deni saxiixay wareegto ku saabsan arrintaas toddobaadkii hore.

Tallaabadan ayaa kor u sii qaaday xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, iyadoo doodo adag ay ka taagan yihiin arrimaha federaaleynta, madax-bannaanida maamullada iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

Dhanka kale, Puntland ayaa gaashaanka ku dhufatay hadalka kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku sifeeyay Wasiir Xoosh nin aan la socon waxa waddanka ka jira.

“Xamar baa laga sheegayay ID baan sameynaynaa. ID-gaas oo xogtiisu ay Bakistaan taallo,” ayuu yiri Wasiirka Puntland.

“Hadalka Wasiir Cali wuxuu ka aqoon la’ yahay dalku meeshu maraayo. Wuxuu ka xun yahay horumarka dadka reer Puntland meesha ay marayaan,” ayuu sii raaciyay.

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo shir saxaafadeed ku qabtay Garowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay marka hore isa soo gaarto, oo sharci lagu soo dabbaalo Muqdisho.

“Puntland wixii ay xaq u leedahay oo shuruucdeeda ah dhammaanteed way ka shaqeyneysaa. In qofka reer Puntland uu helo ID lagu aqoonsado way ka shaqeyneysaa,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News