SO | EN

SO | EN

Dowladda Federaalka oo mashaariic cusub kahirgalineysa magaalada Baydhabo

|

Baydhabo (KAAB TV) – Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Wasiirada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha Xukuumada Soomaaliya oo maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Ahmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa Madaxweyne Laftagareen la wadaagay Socdaalkooda ku qotoma Xoojinta Wadashaqaynta.

Dhanka kale, Labadan wasiir ayaa sidoo kale sheegay in safarkooda qeyb ka yahay sidii deegaannada maamulka Koonfur Galbeed looga hir-gelin lahaa  mashaariic kala duwan oo labada wasaaradooda fulinayaan, kuwaa oo waxtar u leh dadka iyo deegaanka.

Cabdicasiis  Laftagareen ayaa uga mahad-celiyey labada wasiir socdaalkooda Baydhabo, waxa uuna xusay inay muhiim tahay hir-gelinta mashariicda ay u baahanyihiin beeralayda iyo xoolo dhaqatada in la hormariyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News