Muqdisho (KAAB TV) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay siyaasi kasoo goostay maamulka Soomaaliland, kadib markii uu isaga soo tagay shaqadii uu uhaayay maamulka Soomaaliland, siyaasigan ayaana deegaan ahaan kasoo jeeda deegaannada maamulka Soomaaliland.
Sidoo kale, siyaasigan ayaa waxaa lagu magacaaba Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan ayaa waxa uu xilal kala duwan uu kasoo qabtay maamulka Soomaaliland, haatan ahaa talaliyihii madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.
Dhanka kale, Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo kulanka soo dhaweynta kahadlay ayaa yiri “Sharaf bay Inoo aheyd in aan magaalada Muqdisho ku soo dhowayno Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo xilal kala duwan ka soo qabtey Maamulka Gobollada Waqooyi. Waxaan soo dhowaynaynaa Md. Cabdiwaaxid oo la taliye u ahaa madaxweyne Muuse Biixi isagana soo tagey xilkaas iyo gebi ahaan maamulkaas.”
Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale, sheegay in dowladda federaalka ay soo dhoweyneeso siyaasiyiinka kuhungoobay fikirka goonis ugoosadka ah, islamarkaana diyaarka u ah iney kashaqeeyaan midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.