SO | EN

SO | EN

Dowladda Federaalka oo war kasoo saartay howlgal duqeymo ah oo ka dhacay Calmiskaad

|

Muqdisho (KAAB TV) – War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM lagu bartilmaameedsaday firxadka kooxda Daacish ( ISIS) ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Calmiskeed ee gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Sidoo kale, hawlgalkan duqeymaha ah oo ay fuliyeen ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’addaha ammniga Soomaaliya waxa ayna dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan kooxda Daacish.

Sikastaba, warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iimeynta hore ee hawlgalka ay muujineyso in saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray dad rayid ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News