SO | EN

Dowladda Federaalka oo xayiraad dhanka Hawada ah kusoo rogtay degmada Doolow

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraad dhanka hawada ah kusoo rogtay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo hadda laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo dhinaca DF ah iyo dhinaca Jubbaland.

Sidoo kale, amar lagu sheegay in uu kasoo baxay DF ayaa lagu joojiyay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray garoomada Doolow iyo Baardheere, halkaas oo ay kamid ah meelaha laga dareemayo dhaq-dhaaqyada u dhexeeya DF iyo Jubbaland.

Dhanka kale, warkan ayaa lasheegay in si toos loola wadaagay shirkadaha diyaarada, iyagoo lagu in aysan ilaa amar dambi diyaaradahooda tagi karin deegannadaasi.

Ujeedada DF ay rabto waa in ay ka hortegto dhaqaqaaqa Jubbaland ay ka wado degmooyinkaasi, kuwaas oo ay hoggaaminayaan madaxweyne ku xuigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga maamulkaasi oo haatan ku sugan degmada Doolow.

Dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa hadda siweyn isku haya, iyadoo markii hore xiisadda udhexeysa labada dhinac ay jirtay dhanka degmada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, xiisadda ayaana haatan umuuqata mid usoo ruqaansatay dhinaca gobolka Gedo, iyadoona xayiraadan lagu soo rogay gobolka Gedo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato nolasha dadka shacabka ah ee degmada Doolow ee gobolka.

Si kastaba, ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ayaa isku fidinayo degmooyin horleh, waxaana kamid ah Baardheere, Garabahaarey, Beledxaawo iyo deegaano kale, lama oga halka ay wax ku dambeyn doonaan iyo sida ay wax noqon karaan, iyadoo saacadba saacada ka dambeysa laga cabsi qabo in dagaal udhexeeyo labada dhinac uu ka dhoco halkaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News