BERBERA (KAAB TV) – Dowladda Hoose ee magaalada Berbera ayaa ka mamnuucday Shaqaleheeda ragga iyo dumarka ah xirashada surwaal dhejis ah iyo timo xiirashada cusub.
Amar kasoo baxay Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha ee Dowladda Hoose ee Berbera, Guuleed Maxamed Daahir ayaa lagu faray shaqaalaha inay u hoggaansamaan amarka cusub, ciiddii qaadan weysana la saari doono ganaax aan la carabaabin.
Amarka dhar xidhashada iyo timaha
Ragga waxaa laga mamnuucay xiirashada timaha habka loo yaqaano “taalooga”.
Waxaa sidoo kale ragga laga mamnuucay xidhashada surwaallada ku dheggan
Dumarka shaqaalaha ee Dowladda Hoose ayaa laga mamnuucay xidhashada Khimaar iyo cabaayad.
Taas bedelkeedana kaliya ay shaqada u soo xidhan karaan jalbaab [xijaab] ama dallad oo ah maro dumarku madaxa gashadaan iyo cabaayad.
Dawlada Hoose ee Berbera waxay sheegtay in shaqaalaha amarkan u hoogansami waaya uu la kulmi doono ganaax culus iyo shaqo ka saarid.
Waa markii ugu horreysay oo amar noocaan ah kasoo baxo Dowladaha Hoose ee Somaliland.