Boosaaso (KAAB TV) – Dowladda Imaaraadka Carabta, oo markasta lagu eedeeyo in dalalka xasaradaha ka jiraan in ay ka dhaliso khilaafaad siyaasadeed iyo khalalaaso, iyadoona dalalkaas ka dhista kooxo iyo maamulo iyada ay taageerto, si ay saameyn balaaran ugu yeelato mustaqbalka.
Sidoo kale, Wargeyska The Economist, ee kasoo baxa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, ayaa qoray maqaal ah in Imaaraadka Carabta doonayo in maamulka Puntland oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dhigo maamul gooni-u-goosad ah.
Dhanka kale, Waxa uu qoray wargeyska warbixin cinwaankeedu yahay “Imaaraadku wuxuu dalkiisa ku boorriyaa midnimo, halka dalalka dibeddana uu kala qeybsanaantooda ka shaqeeyo” ayuu wargeysku ku xusay in Boosaaso ka mid tahay meelaha uu Imaaraadku ka samaystay saldhigyo ciidan.
Wargeyska, ayaana sheegay in Imaaraadka Carabta uu caawiyo maamulo gooni-u-goosad ah, sida golaha KMG ee ka jira koonfurta dalka Yemen, waxa uu sidoo kale tilmaamay in Imaaraadka xiriiro la sameestay maamulkua Somaliland oo raba in uu ka go’o Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Qariiradda uu wargeyska The Economist u isticmaalay warka uu qoray ayaa muujinaysa in dhulka maamulka SSC-Khaatumo si gaar ah loo midabeeyay si loo muujiyo in labada maamul midna uusan siyaasad ahaan ka talinin dhulkaas.
Sikastaba, dalka Imaaraadka Carabta, ayaa saldhigyo ku leh magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxa ay sidoo kale Imaaraadka maamulaan dekadaha Boosaaso iyo Berbera, iyaga oo saameyn toos ah ku leh madaxda maamulada Puntland iyo Somaliland.