Muqdisho (Kaab TV) -Dowladda India ayaa maanta balan qaad usameysay dowladda Soomaaliya kaasi oo laxiriira dagaalka ka socda dalka gaar ahaan Caafimaadka ee deegaanada ay howl-galka kawadaan Ciidamada dowladda.
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa qunsulka kuxigeenka ahna safiirka Cabdifitaax Cabdullaahi Nuur iyo lataliye sare Axmed Aadan Maxamed ayadoo kulankaas looga hadlay in dowladda Hinidya ay fududeyso fiisooyinka caafimaadka gaar ahaan dadka kusugan xaaladaha dega-dega oo aanan awoodin in ay safraan.
Hindiya ayaa dhawaan Soomaaliya ugu deeqi doonta shixnado daawo iyo qalab Caafimaad ah oo lagu caawin doono dadka Soomaaliyeed ee degan goobaha ay dagaalada xooggan ay kawadaan Ciidamada huwanta ah sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada caafimaadka Soomaaliya kadib kulanka oo uu layeeshay wasiirka wasaarada oo kusugan Hindiya oo uu layeeshay Xoghayaha guud ee galbeedka Aasiya, waqooyi iyo Bariga Africa uqaabilsan wasaarada arrimaha dibadda India Dr.Pradeep Rajpurohit.
Hasayeeshee Soomaali badan ayaa caafimaad u aada dalka Hindiya waxay arrintaan ka caawin doontaa bukaanada Soomaalida ah ee halkaasi adeeg caafimaad udoonta in ay kayareyso culeysyo badan oo ay horay uwajahi jireen hadii ay tahay helista fiisaha iyo arrimaha kale ee laxiriira safarkood.