SO | EN

SO | EN

Itoobiya oo beenisay in ciidankeeda qeyb ka ahaayeen dagaalkii Doolow

|

Addis Ababa (KAAB TV) – War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa lagu beeniyay  in ciidankeeda ay ka dagaalameen degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo shalay ka dhacay dagaal udhexeeyay ciidan ka amarqaata DF iyo kuwa Jubbaland.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay hadalkii xalay kasoo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ee lagu eedeeyay in ciidankooda qeyb ka ahaayeen dagaalkii shalay Doolow ku dhax maray ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland.

”Itoobiya ayaa aad uga xumaaday hadalka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya ee lagu eedeynayo ciidamada Itoobiya ee ku aadan dhacdadii ka dhacday magaalada Doolow  ee gobolka Gedo, eedeyntaasi ma ahan mid sax ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Itioobiya.

Sikastaba, hadalkan kasoo yeeray dowladda Itoobiya, ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya qoraal xalay kasoo baxay lagu eedeeyay in ciidanka Itoobiya qeyb ka ahaayeen dagaalkii shalay ka dhacay Doolow, dagaalkaasi ayaana lagu dilay askar katirsan ciidanka xoogga dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News