Addis Ababa (KAAB TV) – Bangiga dowladda Itoobiya ayaa ku baaqay in afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka lagu sameeyo baaris, Bangiga ayaan sheegay in shirkadahan maaliyadeed ay isku dayayaan in ay wiiqaan nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya.
Sidoo kale, War qoraal ah oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay magacyada afarta shirkadood ee lagu eedeynayo in ay shaki geliyeen aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya, kuwaas oo la sheegay inay ka hawlgalaan gobollada Maryland, Virginia iyo Minnesota.
“shirkadahan lacagaha xawila waxa ay ka uruuriyaan lacag jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool Mareykanka, ka dibna waxay u diraan Itoobiya iyo dalal kale”.
“shirkadahan waxa ay xalaaleeyaan lacago sharci darro ah iyo in ay maalgeliyaan howlo aan sharci aheyn”.
Siakstaba, lacagta doolarka Mareykanka ayaa ah lacagta ugu badan ee la geeyo dalka Itoobiya marka la fiiriyo lacagaha qalaad ee soo gala dalkaasi Itoobiya.
Dowladda waxay isku dayeysay in ay saxdo nidaamka sarrifka suuqa laga soo bilaabo sanadkii hore si loo yareeyo lacagaha qalaad ee suuqa madow.
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in go’aankan uu kordhinayo keydka sarrifka lacagta Itoobiya, balse qiimaha suuqa madow ayaa sidoo kale kor u qaadi doona nidaamka.

