Dowladda Itoobiya oo sheegtay in marna aysan kalaaban doonin damacooda ku aadan Badda Cas

|

Addis Ababa (KAAB TV) – Dowladda Itoobiya ayaa warkale kasoo saartay heshiiskii badda oo ay mar kale ku celisay in aysan marnaba kalaaban doonin damaceeda badda cas, ayna ka go’an tahay sidii ay ku heli lahayd bad ay adeegsato.

Sidoo kale, agaasimaha fulinta machadka arrimaha dibadda dowladda Itoobiya Jacfar Bedru ayaa waxa uu yiri “in helitaan bad ay muhiimad wayn u leedahay Itoobilya, wuxuuna sheegay in aysan ka laaban doonin rabitaankooda badda cas” iyadoo ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay la galeen maamulka Somaliland.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in muddo dheer ay soo wadeen rajada ay ku doonayaan in ku helaan bad, lakiin waxa uu xusay inay kasoo horjeedaan waddamada dariska ah.

Jacfar Bedru ayaa waxa uu sheegay in jiritaanka Itoobiya ay kuxirantahy in bad helaan sida uu hadalka udhigay.

Jacfar Bedru oo ah agaasimaha fulinta machadka arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa waxa uu yiri “Itoobiya iyo Badda cas uu kadhaxeeyo xiriir taariikhi ah, Itoobiyana waxa ay halgan taariikhi ah ugu jirtay badda cas waana arrin ku xiran jiritaankeeda, waddamada dariskeenna ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna Badda Cas”

Jacfar Bedru ayaa waxa uu sheegay in cadowga Itoobiya ee taariikhiga ah, in ay qorsheynayaan sidii Itoobiya looga saari lahaa wada hadallada ku saabsan badda cas.

Ugudambeyn, weli waxaa halkeedi maraya xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News