Kenya (KAAB) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya, kadib markii ay kordheen weerarada ay halkaasi ka geystaan Ururka Al-Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay weeraradaasi inay ka dambeeyaan dagaalyahannada Al-Shabaab oo dhowr jeer oohore weeraro ka geystay gudaha dalka Kenya.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Kenya ay Ciidamo farabadan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kuwaas oo habeen iyo Maalin howlgallo xooggan ka fuliya.
Sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in howlgallada looga gol leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga xadka Soomaaliya iyo Kenya ayna uga hortegi lahaayeen weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab.
Meelaha ugu badan oo ay Ciidamada Kenya howlgallada ka fuliyaan ayaa waxaa kamid ah Magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo ay weerarada ugu badan ka geystaan Al-Shabaab.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano katirsan gobolka Waqooyi Bari ka dhacay weeraro dhowr ah oo ay geysteen Al-Shabaab, taas oo keentay in ay Kenya dib u dhigto furitaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya.