SO | EN

SO | EN

Kenya oo ciidamo u direysa dal ay qas ka wadaan Koox burcad ah

|

NAIROBI (KAAB TV) – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay in ciidamo booliis ah u dirto dalka Haiti si ay gacan uga geestaan la dagaalanka kooxaha burcadda ah ee xasilooni darrada ka wada dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya ayaa sheegay  in dalkiisu uu diri doono Haiti 1,000 askari oo boolis ah, kuwaas oo gacan ka geysta tababarida iyo taageerada ciidamada booliska ee dalka Haiti.

Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday in ciidamada booliiska Kenya ay diyaar u yihiin in ay gacan ka siiyaan ciidamada Haiti sidii ay awood ugu yeelan lahaayeen ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kahor taga falalka ammaan darro.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si weyn usoo dhaweeyay hadalka Kenya kasoo yeeray ee ku aadan in ay diyaar u yihiin hoggaaminta ciidamo gacan ka geesta xasillooni darada ka jirta dalka Haiti.

Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa horey u codsaday in dalkiisa loo soo diro ciidamo caalami ah oo wax ka qabta xasillooni darada ay dalkaasi ka wadaan kooxaha burcada hubeesan ee kusii fidaya caasimadda dalkaasi.

Dalka Haiti waxaa sannadihii lasoo dhaafay kusii kordhayay fal dambiyeedyada ay geesanayaan burcada hubeesan, waxa ayna burcada la wareegeen talada caasimadda dalkaasi 80%, waxaana dalkaasi ku batay dilalka ,dhaca iyo kufsiga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News