SO | EN

SO | EN

Dowladda Kenya oo halis ugu jirta in ay weyso maqaam horey loosiiyay

|

Washington (KAAB TV) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo maqaamka Kenya ee ah xulafada ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneyn ee Mareykanka, bilo ka dib markii Kenya ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee ka hooseeya saxaraha Afrika ee helay maqaam sharafeedkan.

Sidoo kale, Kenya ayaa meeqaamkan heshay intii lagu guda jiray Booqashadii Madaxweyne William Ruto ee Mareykanka bishii May 2024.

Dhanka kale, maqaamkan oo la siiyay Kenya 24-kii June 2024, wuxuu xoojiyay Kenya oo ah saaxiibka weyn ee Mareykanka ee Afrika iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga, iyo dhaqaalaha.

Kenya oo ah xulafo weyn oo aan NATO ka tirsanayn ayaa hadda halis ku jirta kaddib, markii senetarka Maraykanka James Risch uu soo jeediyay wax ka beddel lagu sameeyay sharciga oggolaanshaha difaaca qaranka ee sanad maaliyadeedka 2026, kaas oo doonaya in dib loo eego maqaamka Kenya 90 maalmood gudahood.

Dib u eegista ayaa lagu qiimeyn doonaa siyaasadda dibadda iyo diblomaasiyadda Kenya sida la jaanqaadka Mareykanka iyo iskaashiga ay la leedahay Shiinaha, Ruushka iyo Iran.

Intaa waxaa dheer, dib u eegista waxaa sidoo kale ku jiri doona heshiisyada suurtagalka ah ee Kenya, xiriirka siyaasadeed ama dhaqaale ee ay la leedahay maleeshiyaad hubeysan sida al-Shabaab iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).

Sikastaba, tallaabada sharciga ah ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo mustaqbalka ah ee xiriirka Mareykanka iyo Kenya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News