Washington (KAAB TV) – Mareykanka, ayaa saddex sargaal oo katirsanaa kooxda Taalibaan ee dalka Afganistan ka saartay liiska kooxaha argagaxisada, waxaa sidoo kale meesha laga saaray lacago malaayiin dollar ah oo raggan horey loo dul dhigay madaxyadooda.
Sidoo kale, Wadahadallo dhax maray masuuliyiin katirsan dowladda Afganistan iyo dowladda Mareykanka, ayaa la isku afgartay in labada dhinac sameeyaan isku soo dhawaansho, waxa uuna Mareykanka aqbalay in xubno sar sare oo katirsanaa Taalibaan laga qaado xayiraada iyo doonistii loogu jiray.
1. Sirajuddin Haqqani, oo u dhalay hoggaamiyihii hore ee Taliban, xilligana ah hoggaamiye ku-xigeenka Taliban iyo wasiirka arrimaha gudaha dawladda Afgaanistaan oo Mareykanka uu ku raadinayay $10 milyan.
2. Waxaa kaloo liiska dadka la doondoonayo uu Mareykanka ka saaray Abdul Aziz Haqqani, oo la walaal ah Sirajuddin Haqqani, kana mid ah shabakada ururka Taliban ee Haqqani , oo isagana lagu raadinayay $5 milyan.
3. Qofka saddexaad ee Mareykanka uu ka saaray liiska dadka uu raadinayo, waa Yahya Haqqani oo isagana madaxiisa lagu raadinayay $5 milyan , wuxuu ka mid yahay shabakadda Haqqani ee ururka Taliban.
Sikastaba, go’aankan Mareykanka kasoo baxay ee xubnahan katirsanaa Taalibaan liiska argagaxisada looga qaaday , ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Taalibaan dhankoodaay sii daayeen nin u dhashay dalka Mareykanka oo kooxdaasi u xirnaa.