New York (KAAB TV) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay danjiraha cusub ee dowladda Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya, kaddib markii uu muddo xileedkiisa dhammaaday danjirihii hore ee Mareykanka u joogay Soomaaliya.
Tallaabadan ee Aqalka Koongareeska Mareykanka ku ansixiyeen danjirahan cusub ayaa timid , kaddib markii Madaxweyne Joi Biden bishii March ee sannadkan u magacaabay Richard H. Riley IV in uu noqdo danjiraha cusub ee Soomaaliya u joogi doonna.
Sidoo kale, Danjire Richard H. Riley IV ayaa waxa uu bedeli doonaa danjirihii hore ee dowladda Maraykanka u joogay Somalia, Ambassador Larry André oo xilkaasi hayey tan iyo bishii January sanadkii 2022-kii.
Dhanka kale, Ninkan cusub ee loo magacaabay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah diblumaasi khibrad badan leh, waxa uuna horey uga soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin: UK, Raashiya, Canada, Pakistan, Shiinaha, Jamaica, Yemen, Afghanistan iyo Iraq.
Ugudambeyn, danjiraha cusub ee dowladda Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya Richard H. Riley ayaa la filayaa in dhawaan Soomaaliya yimaado, si uu halkaasi si toos ah uga bilaabo shaqadiisa, waxa uuna halkeeda kasii wadi doonaa shaqada uu ka tagay danjirihii ka horreeyay.