SO | EN

SO | EN

Dowladda Mareykanka oo war kasoo saartay arrimaha doorashooyinka Somalia

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Mareykanka, ayaa sheegtay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan isbeddellada ku saabsan nidaamka federaalka iyo doorasho loo dhan yahay oo Soomaaliya ka dhacda.

Sidoo kale, qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in go’aanno hal dhinac ah oo aan taageero ballaaran lahayn ay noqon doonaan kuwo aan sharciyad ka dhisneyn, islamarkaana caqabad ku ah wax ka qabashada dhibaatooyinka amni ee deg-degga ah.

Dhanka kale, Warkan kasoo baxay dowladda Mareykanka ,ayaa kusoo aadaya xilli ay fashilmeen laguna kala tagay wadahadalkii u socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku bahoobay Golaha Samatabixinta Qaranka.

Sikastaba, doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya 2026 ayaa dood xooggan ka taagan tahay nuuca ay noqoneyso, xilli muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya ay ka harsan tahay muddo ka yara 8-bilood, walina la iskuma raacsana doorashada nuuca ay noqon doonto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News