Qaahira (KAAB TV) – Dawladda Masar ayaa lagu soo waramayaa inay dalkeeda ka mamnuucday muwaadiniinta Suuriya, sababo la xiriira inay dawladda cusub ee Suuriya howlgalisay oo doorar laga siiyay nidaamka muwaadiniin Masaari ah oo ka mid ah liiska shaqsiyaad ay doonayeen hay’adaha ammaanka ee Masar.
Sidoo kale, Masar ayaana ka carootay doorka muwaadiniin u dhashay dalkeeda oo kamid ahaa xooggaga hubeysan ee Suuriya joogay lana siiyay dhalasho iyo darajooyin ciidan.
Xukuumadda Masar go’aanka kasoo baxay waxaa uu saameyn karaa muwaadiniinta Suuriya ee ku sugan gudaha Masar oo wajihi kara inan loo kordhin fiisaha dal ku jooga iyo dalxiiska, sida uu ku warramay telefishinka laga leeyahay dalka Ruushka ee RT.
Dhanka kale, go’aankan wuxuu yimid, iyadoo la xasuusto inay hay’adaha ammaanka ee Masar xabsiga dhigeen in ka badan 30 Suuriyiin ah oo isku dayay inay u dabaal-deggaan xukunka laga tuuray Bashaar Al-assad. Waxay u muuqataa Qaahira inay ka fogaanayso in wax saameyn ah uu ku yeelato isbeddelka ka dhacay Suuriya.
Sikastaba, hoggaamiyaha dalka Suuriya, ayaa dhawaan ku abaalmariyay dagaalyahanno ajaaniib ah in ay qaataan dhalashada dalka Suuriya, sidoo kale xilal ka qabtaan ciidanka milatariga Suuriya.
Copyright © 2025 Kaab TV – All Rights Reserved.